U bood dhigaalka

Baydhabo: Qiimaha Khudaarta Oo Sare Ugu Kacay Sababo La Xiriira Roobka Iyo Isbaarada

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhabo muddooyinkii ugu dambeeyay  waxaa ay hor-u-mar ka sameysay  dhinacyada ganacsiga, xoogsatada suuqyada khudaarta lagu gado intooda badan waa dumar.

Dumarka iibiya khudaarta ee ku nool magaalada Baydhabo ayaa  waxay ku shaqeeyaan xaalado adag oo iskugu jira waddo-xumo, canshuuro iyo isbedelka cimilada oo roobabka sababeen.

Waxaa lagu jiraa xilliyada roobka deyrta meelo badan oo ka mid ah gobolka Baay ayey roobab badan ka da’een, roobabkan ayaa waxaa ay saameyn ku yeesheen Suuqleyda ka ganacsada khudaarta waxaana wadooyinkii xiray dhiiqo iyo biyo kuwaas oo ka dhashay roobabka tirada badan ee da’aya.

Khudaarta ayaa waxay uga timaadaa magaalada Baydhabo gobolka Sh/ hoose,   waxayna ku qaadataa inay gaarto Baydhabo muddo dhan 20 bari.

Suuqyada khudaarta lagu iibiyo ee magaalada Baydhabo ayaa hadda waxaa laga dareemayaa sare u kac ku yimid qiimihii khudaarta.

Asli Muqtaar Muudey ayaa Goobjoog News uga warbixisay waxa keenay sare u kaca Khudaarta. “ Khudaarta waxaa ay jidka ku soo jirtay muddo dhan Sideed Maalmood,  waxaa ayna ku soo dhiiqooday baabuurka, waxaa keenay  sare u kaca  xilli roobaadka oo khudaarta waqti badan ay jidka ku soo jireysaa”.

Maxamed Cali Cumar waxaa uu ka mid yahay ganacsatada ka shaqeeya Khudaarta, waxaa uuna sheegayaa waxa hadda qiimaha Khudaarta iska badaley.

“Waxaan ka gacacsadaa Khudaarta  jidkii,  waxaa ku da’ay roob waxay soo mareysaa safar dheer , waxaa ka loo jira isbaarooyin badan,  arrimahaas oo dhan ayaa keenay inay khudaarta qaali noqoto”.

Goobjoog News