U bood dhigaalka

Baydhabo: Shacabka Oo Dhigey Dibadbax Ka Dhan Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Boqolaal qof oo shacab ah, isuguna soo baxay maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa dhigay dibadbax ballaaran oo  ka dhan ah Xarakada Al-shabaab, sidoo kalena lagu cambaareenayey qaraxii 14-kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Dadkaan ayaa socod kusoo maray xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Baydhabao, waxaana ay ku hadaaqayeen erayo ay ku diidan yihiin sii joogitaanka dalka ee Al-shabaab.

Ugu dambeyn dadkaan ayaa isugu yimid fagaare ku yaalla magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi kula hadlay wasiiro ka tirsan K/galbeed iyo maamulka gobolka Baay.

Wasiirka amniga K/galbeed Xasan Xuseen ayaa shacabka K/galbeed ka dalbaday iney kaalin ka qaataan sugista amniga iyo dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

“Dadka waxay go’aan ku gaareen intii ay dhiman lahaayeen iyagoo aan waxbo ka warqabin, cabsina ku jirto iney dhintaan iyagoo la dagaallamaya nabad diidka” ayuu yiri wasiirka.

Dibadbaxyo waaweyn ayaa maanta waxay ka dhaceen magaalooyin badan oo dalka ah, waxaana looga soo horjeedaa qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe, kaasi oo ay ku dhinteen 300 oo ruux.

Goobjoog News