U bood dhigaalka

Baydhabo: Wafdiga Aqalka sare Oo Ka Qeyb-galay Kulanka Golaha Wasiirrada Maamulka K/Galbeed

Sheeko:Baarlamaanka

Wafiga Aqalka sare ee magaalada Baydhabo u jooga xal u helista is afgaranwaaga soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada iyo Maamul Goboleedyada dhexdooda ayaa shalay ka qeyb galay shirkii Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed, waxayna ka wada hadleen arrimaha taagan, sida lagu xalin karo,waxayna Golaha Wasiirada KGS u soo gudbiyeen wafdiga Golaha Aqalka Sare xogtii ay ka rabeen Dowlad Goboleedka oo qoraaal ah si wafdiga aqalka sare uu dib ugala soo laabto Golaha aqalka sare .

Sidoo kale,Wafdiga Aqalka sare ka socda ayaa waxay la kulmeen Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna “ Maya”,waxay ka wada hadleen arrimaha khilaafka ee jira waxayna  dhageysteen Wafdiga aragtida Guddonka Baarlamaanka KGS iyo sida ay u arkaan in lagu xalin karo khilaafka jira.

Kulamadan waxay qeyb ka yihiin kulamo xogwareysi uu wafdigu la yeelanayey maamulka iyo bulshada Dowlad Goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale, Senator Samsam Ibraahim Cali oo ka tirsan wafdiga Aqalka Sare ee ku sugan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ahna Guddoomiye ku- xigeenka ururka haweenka Golaha Aqalka Sare waxay la kulantay haweenka ku jira Baarlamaanka Koonfur Galbeed,iyadoona ka dhageysatay aragtidoona ku aadan khilaafka jira iyo sida ay u arkaan xalka.

Senator Samsam Ibraahim cali ayaa ku boorisay haweenka ku jira Baarlamaanka Koonfur Galbeed in ay sameystaan Urur si ay u mideeyaan cududooda.

Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlada Goboleedyada,iyadoo wafuud kaladuwan oo goluhu dirayna ay kulamo kaladuwan la yeesheen madaxda maamulada iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Goobjoog News