U bood dhigaalka

Baydhabo: Warbaahinta Oo Loo Diiday Shirka Aminga Qaranka

Sheeko:Dalka

Warfidiyeenka ka howl-gala magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta  mar kale  loo diiday inay baahiyaan wararka shirka amniga qaranka ee ka socda magaalada Baydhabo.

Kooxdan oo la soo xiriiray Goobjoog News ayaa intaasi ku daraya in ay ka laabteen shaqo-joojin ay shalay ku dhaqaaqeen kadib markii  qaarkood si xun ula dhaqmeen ilaalada qaar ka mid ah wufuudda shirka.

Muxyadiin Xusni oo ka tirsan saxafiyiinta ka howlgala Baydhabo oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in ay wada hadleen wasiirka warfaafinta maamulka Xasan Cabdi Maxamed isla markaana isku af-garteen in laga wada hadlo wixii shalay dhacay, shaqadana caadi u socoto.

“innaga oo wasiirka ka wada hadalnay in laga hadlo wixii shalay dhacay, oo shaqadana socoto ayaan ka war helnay in taliska ciidamada maamulka ay qaateen go’aan ah weriyeyaasha ma soo geli karaan shirka”.

Muxsin waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in hey’adaha ammaanka ee mas’uulka ka ah isgoysyada lagu amray in aaney weriye soo-deynin, taasi oo aaney sheegin sabab cad.

Shirka amniga qaranka oo maanta furmaya ayaan la heyn muuqaal ku saabsan shirarka socda, weriyeyaasha ayaa dalbanaya xal degdeg ah in arrintan loo helo.

Goobjoog News