U bood dhigaalka

Baydhabo: Xildhibaan Loogu Doortay Golaha Shacabka Isaga Oo Aan La Hareer Fadhin

Sheeko:Dalka

Cabdullahi Sheekh Maxamed ayaa maanta ku guuleystay doorashada kursi bannaanaa oo golaha shacabka ah, doorashada ayaa ka dhacday Baydhabo.

Kursigan ayaa waxaa April 2018 ka dhintay Xildhibaan Khaliif Sheekh C/laahi Dheere oo ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.

Doorashada Ayaa Waxaa Ay Aheyd Inay Ku Tartamaan:

  1. Isaaq Khaliif Sheekh
  2. C/qadir Shekh Maxamed Nuur
  3. Xasan Macallim Ibraahim
  4. C/laahi Shekh Maxamed

Laakin sida uu ku warramayo weriyaha Goobjoog News ee Baydhabo, goobta doorashada  ama hoolka waxaa yimid uun Cabdullahi Sheekh Maxamed, isaga ayaana ku guuleystay.

Ergo dhan 42 oo codeysay waxaa loo kala helay: Cabdullahi Sheekh Maxamed 35 cod, Isaaq Khalif Duurey 4 cod iyo Cabdiqadir Sheekh 2 cod.

Labo xildhibaan oo ka mid ah tartamayaasha oo la hadlay saxaafadda ayaa ka sheegtay guddiga doorashada, qaarkood waxaa ay sheegeen in albaabka laga celiyey.

Guddiga doorashada madaxbannaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa meesha ka saaray inuu jiro musuq iyaga oo sheegay in shahaadada ay siiyeen dhammaan murashaxiinta, uuna xaq u leeyahay qof kasta oo shahaado helo inuu tartamo.

Teeda kale mar ay ka hadleen dhibka ay ka mareen dhaqanka iyo qabashada doorashada waxaa ay sheegeen “Beesh Eimid waxaay u kala baxda 2 beelood, markii ay heshiin waayeen  in beeshiiba ay soo qoroto 25 ergo ayaa intaas kadib, waxaan u xilsaaray in Suldaankii 135 ku jiray uu noo soo go’aamiyo, uuna noo keeno liiska kama danbaysta ah, sidaas ayey wax u dhaceen’.

Goobjoog News