U bood dhigaalka

Baydhabo: Shariif Xasan Iyo Micheal Keating Oo Ka Wada Hadlay Arrimaha Doorashada

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo wakiilka Qaramada Madoobe ee Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa muddo labo saac ah shir ku yeeshay magaalada Baydhabo.

Kulankani oo ka dhacay guriga Madaxtooyada ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay labada dhinac kaga wada hadleen arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Kulanka oo albaabada ay u xirnaayeen ayaa markii uu soo gebageboobay kadib waxa ay si wadajir ah ula hadleen warbaahinta.

Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in danjiraha Soomaaliya Micheal Keating ay ka wada hadleen caqabada heysta arrimaha doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan doorashada aqalka hoose.

Wuxuu sheegay in weli aynaan magaalada Baydhabo soo gaarin ergadii soo dooran lahayd xildhibaannada Koonfur Galbeed ee ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose, islamarkaana Qaramada Madoobe laga doonayo inay ka qeyb qaataan sidii ergadaasi xarunta doorashada Baydhabo ay ku imaan lahaayeen.

“Maanta waxaan ka wada hadalnay danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Madoobe sidii ergada gobolka Shabeellaha Hoose lagu keeni lahaa magaalada Baydhabo waad og tihiin waxaa socda waa doorashadii aqalka hoose welina ergadii gobolkaasi ma heyno” ayuu yiri Shariif Xasan.

Dhanka kale wakiilka Qaramada Madoobe ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa marka hore maamulka Koonfur Galbeed ugu hambalyeeyay qaabka ay wadaan doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka iyo xubin kamid ah kuraasta oo ay maanta haweeneey ku guuleysatay.

Wuxuu sheegay Danjiraha inay ka qeyb noqon doonaan xalinta caqabada doorashada ka heysta maamulka isagoo ku baaqay in si hoose loo xaliyo cabashada beelaha iyo siyaasiyiinta qaar ay qabaan.

Magaalada Baydhabo ayaa weli waxaa ka socda doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaa xubnaha ka imaanaya degaannada Koonfur Galbeed oo ah seddexda gobol ee kala ah Baay, Bakool iyo Gedo ee Koonfurta Galbeed Soomaaliya.

Goobjoog News