U bood dhigaalka

Beelaha Gobolada Dhexe oo loo Qeybiyey Ergada Shirka

Sheeko:Dalka

Odawaa iyo Xaliimo YareeyGuddiga farmasamada shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ayaa ergada shirka u qeybiyey beelaha dega gobolada dhexe oo ah 11 beelood.

Shir maanta ka dhacay xarunta Kafaalo ee magaalada Cadaado ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odawaa iyo odayaasha dhaqanka, sida soo socota ayaana wax loo qeybiyey

  1. Beesha Mareexaan 67 xubnood
  2. Beesha Maxamuud hiraab(Duduble) 35 xubnood
  3. Beesha Sacad 26 Xubnood
  4. Beesha Ceyr 26 Xubnood
  5. Beesha Saleebaan 26 Xubnood
  6. Beesha Saruur 26 Xubnood.
  7. Beesha Murusade 53 Xubnood
  8. Beesha Waceysle 35 Xubnood
  9. Beesha Dir 35 Xubnood
  10. Beesha Sheekhaal 17 Xubnood
  11. Beesha 5-aad 17 Xubnood

Waxa ay qeybtani tirada guud ee ergada ka dhigeysaa 363, iyada oo horey guddiga uu u sheegey in ergada ay noqoneyso 350 xubnood.

Goobjoog News