U bood dhigaalka

Beelaha Lagu Heshiisiinayo Jowhar Oo Ka Wada Hadlaya Khasaaraha Dagaalladii Cadalle, Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha dhexe waxaa ka socda shir dib u heshiisiineed, kaasi oo u dhaxeeya beello walaalo ah oo ku dagaallamay degmada Cadalle ee gobolkaasi.

Shirkaan ayaa hadda maraya meel xasaasi ah, waxaana beelaha dagaallamay waxgaradkooda ay soo bandhigayaan khasaaraha soo kala gaaray.

Qaarkood waxay sheegeen in guryo badan laga gubay, lagana diley dad u badan shacab.

Maamulka Hirshabelle mas’uyuliyiin kamid ah oo ku dhex jira Labadan beel ayaa ku dedaalaya in wixii hadda taagan ee waxqabadka u baahan la qabto, islamarkaana aan dib loogu laaban wixii dhacay, balse la gaaro heshiis.

Mino Xasan Shibis, waxay kamid tahay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ay sheegtay ulajeedka ay u joogaan Jowhar iney tahay sidii loo soo afjari lahaa xiisadda taagan.

Shacabka Sh/dhexe ayaa dhowraya shirkaan dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Jowhar, kaasi oo haddii lagu guuleysto ay xigi doonaan shirar kale oo sidan lamid oo ka dhaca magaaladaasi.

Goobjoog News