U bood dhigaalka

Beelihii Ku Dagaallamay Deegaanka Deefow Oo La Heshiisiinayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa ka soconaya shir dib u heshiisiineed kaasi oo la doonayo in lagu nabadeeyo beelaha wada degan gobalkaasi.

Waxgaradka ku shirsan magaalada Baladweyne ayaa iska soo xulay guddi ay sheegeen in ay xalin doonaan beelihii dhawaan ku dagaallamay deegaanka Deefow ee gobalka Hiiraan.

Shirka oo marxalad cusub galay ayeey sheegeen waxgaradka in loo gudbay xalinta xiisadaha waaweyn, iyadoona hadda la xalin doono Labadaan beel oo muddo badan dagaalamayay.

Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale oo ah gudoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta beelaha ee shirka Baladweyne ayaa rajo ka muujiyay in la helo nabad, islamarkaana meesha laga saaro colaadda mudada beelahaan ka dhex jirtay.

Waxaa xusid mudan in Labadaan beel ee la doonayo in la heshiisiiyo ay mid ka mid ah ka maqan tahay shirka, islamarkaana ay diideen in shirkaasi ay ka qeybgalaan.

Goobjoog News