U bood dhigaalka

Beelihii Ku Dagaallamay Goballada Sool Iyo Nugaal Oo La Heshiisiiyay

Sheeko:Dalka

Heshiis kama dambeys ah ayaa la kala dhex dhigay beello dhawaan ku dagaallamay deegaano ku dhaw goballada Sool iyo Nugaal, halkaasi oo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Waxgarad ka kala tagay maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku guuleystay inay soo af jaraan colaadaasi, sidoo kalena Labada dhinac ay mag dhaw is siinayaan.

Xoghayihii hore ee degmada Burtinle Xaafid C/risaaq Axmed oo haatan ku sugan halka heshiiskaasi uu ka dhacay ayaa u sheegay Goobjoog News, tirada guud ee dagaalladaasi ku dhimatay iyo sidoo kale waxa lagu heshiiyay.

Waxa uu tilmaamay in wadarta guud ee Labada dhinac ay ka kala dhinteen 55 qof oo 1-Haweeney ay ku jirto, waxaana uu tilmaamay in lagu heshiiyay in la kala qaato magdhaw qofkiiba 100 Halaad ah oo lagu bixinayo muddo Lix Bil ah.

Waxgaradka ayaa halkaasi ku sugnaan doona inta magdhawga la kala qaadanayo sida uu sheegay Xaafid C/risaaq.

Odayaashii matalayay beelahan heshiiska gaaray ayaa sheegay inay ku qanceen heshiiskani, waxaana halka lagu heshiinayay amnigeeda sugayay ciidamo Itoobiyaan ah.

Goobjoog News