U bood dhigaalka

Beello Dagaalsanaa Muddo 10 Sano Ah Oo Lagu Heshiisiiyey Mudug

Sheeko:Dalka

Kulan lagu heshiisiinayey Labo beel oo dirir dhexmartay ayaa ka dhacay deegaanka Af Barwaaqo ee bariga gobolka Mudug, waxaana kulankaasi ka qeybgalay wasiirro ka tirsan maamulka Galmudug, maamulka gobolka Mudug, waxgrad iyo Odoyaal dhaqan kala matalayey Labada beel ee heshiiska gaaray.

Colaadda Labadan dhinac ah ayaa ahayd mid soo jiitameysay muddoa 10 sano ah, waxaana hadda laga gaaray heshiis hordhac ah, taasi oo qeyb weyn ka qaateen maamulka Galmudug iyo maamulka deegaanka.

Qaar kamid ah waxgaradkii kala matalayey Labadaasi dhinac ayaa sheegay iney soo dhoweynayaan heshiiskaasi la gaaray, waxayna sheegeen iney hirgelin doonaan heshiiskaasi.

Waxay sheegeen waxgaradkan iney gacmaha  is qabsadeen Labada dhinac, islamarkaana ay diyaar u yihiin iney ka wada shaqeeyaan nabadda iyo walaalnimada.

Suldaan Cabdi Madoobe oo ah suldaanka guud ee beelaha dirirtu dhexmartay ayaa sheegay in dhib badan ay ka mareen in Labadan beel ay heshiis ku qanciyaan, balse ay ku faraxsan yihiin in la helo nabad iyo is faham, dibna loo soo celiyey walaalnimadii.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Maxamed Shire oo isna halkaasi ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Labadan beel iney so oaf jaraan colaaddii 10-ka sano ka dhaxeysay, wuxuuna kula dardaarmay in heshiiska la adkeeyo oo laga shaqeeyno nabadda iyo is dhexgalka bulshada.

Goobjoog News