U bood dhigaalka

Beelo Ku Dagaallamay Degmada Warsheekh Ee Sh/dhexe Oo La Heshiisiinayo

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Warsheekh ee gobolka Shabellaha Dhexe, siyaasiyiin iyo waxgarad ayaa ku mashquulsan dib u heshiisiin loo sameynayo beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaallamay degmadaasi.

Wxaa soconaya wada hadalka Labada dhinac, waxaana dhinacyada u kala garqaadaya beelahan ay doonayaan in la dhameeyo wax walbo oo xiisadda dhaliyey.

Maxamed Cali Yuusuf oo ah xoghayaha degmada Warsheekh ayaa u sheegay Goobjoog News in dadaallada lagu raadinayo nabadda ay hadda meel wanaagsan marayaan.

Waxa uu been abuur ku sheegay warar shalay soo baxayey islamarkaana sheegayey in beelahan la heshiisiinayo ay isku gacan qaadeen, wuxuuna sheegay in warkaasi lagu doonayo in colaadda degmada lagu sii huriyo.

Waxaa hadda rajo wanaagsan laga qabaa in la xalliyo dhammaan xiisadda ka jirta degmada Warsheekh iyo nawaaxigeeda.

Goobjoog News