U bood dhigaalka

Beello Ku Dagaallamay Gobalka Shabellaha Dhexe Oo La Heshiisiinayo

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Shabellaha Dhexe oo kaa shanaya Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya iyo Odayaasha dhaqanka ayaa wada xallinta beello dhawaan ku dagaallamay duleedka degmada Balcad ee gobalka Shabellaha Dhexe.

Gogosha nabadeed ayaa la filayaa in maanta ay si rasmi ah u billaabato, waxaana la’isku keenayaa Odayaasha beelihii ku dagaallamay halkaasi.

Xildhibaanada baarlamaanka ee ku sugan degmada Balcad si ay u xalliyaan xiisadaan jirta waxaa ka mid ah Cumar Maxamuud Finish iyo xubno kale, waxaana ay u joogaan degmadaasi sidii kaalin ay uga qaadan lahaayeen wada hadallada nabadda lagu baadi goobayo.

Gudoomiyaha gobalka Shabellaha Dhexe Cali Cabdullaahi Guudlaawe ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta ku howlan xallinta xiisadaan, waxaana uu sheegay gudoomiyaha in uu ka shaqeyn doono nabad kala dhigidda cid walba oo ku dagaalsan gobalka uu gudoomiyaha ka yahay.

Beelahaan ku dagaallamay deegaanada hoostaga degmada Balcad ayaa isku haysta dhul beereed halkaasi ku yaalla, waxaana labada dhinc ah ay is gaarsiiyeen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News