U bood dhigaalka

Beello Ku Dagaallamay Puntland Oo Baaq Nabadeed Loo Diray

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya Puntland ayaa waxay sheegayaan in deegaanno uu ka arrimo maamulkaasi ay dib uga billawdeen dagaallo u dhaxeeya Beello walaalo ah.

Dagaalladaan ayaa ka kala dhacay deegaanada kala ah Qorilley iyo Cagaarane, waxaana dagaaladii ugu dambeeyay ee dhacay la sheegayaa inay ku geeriyoodeen Seddax Qof, waxaana ku dhaawacmay Shan Kale.

Waxgaradka ku dhaqan deegaanadaan lagu dagaallamay ayaa sheegay inay wadaan dadaal xoogan oo lagu doonayo in xaaladda lagu qaboojiyo, sidoo kalena lagu heshiisiiyo beelahaan dagaallamaya.

Cabdirisaaq Dihaal oo isagu ka mid ah aqoonyahana Puntland, ayaa isaga oo ku sugan degmada Burtinle waxa uu Goobjoog News, faah faahin ka siiyay kulan uu la yeeshay Odayaal dhaqameed nabad ka dhex wada beelahaan dagaallamay.

Waxa uu tilmaamay in Odayaashaan ay u sheegeen inay kala dhex galeen dhinacyadii dagaallamay, haatanna howsha meel wanaagsan ay marayso.

Suldaan Cabdullaahi Saalax Jeena-cad ayaa isna dhankiisa ku baaqay in la joojiyo dagaalladaan kasoo cusboonaaday deegaanada Qorilley iyo Cagaarane, waxaana uu waxgaradka Puntland guud ahaan ugu baaqay in nabadeynta beelahaan ay ka qeybqaataan.

Deegaanada Qorilley iyo Cagaarane ayaa weli laga dareemayaa xiisadda u dhaxeysa beelahaan wada degan, iyadoo weli si rasmi ah aan loo dhameyn xiisadda dhinacyadaan ka dhaxeysa.

Goobjoog News