U bood dhigaalka

Beelo Heshiis Ka Gaaray Colaad Muddo Ka Taagneyd Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Beelo ku dagaalamay gobolka Hiiraan ayaa gaaray heshiis lagu soo gaban gabeynayo colaad muddo ku soo noqnoqday deegaanno hoos tago gobolka , kaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 27-aad iyo saraakiisha laamaha amniga ayaa goobjoog ka noqdey heshiis beelo ku diriray deegaanno hoostaga Maxaax, labada dhinac ayaa gaaray heshiis oo ay goobjoog ahaayeen dhaqanka dhinacda ay dirirtu dhex martay.

Heshiiska ayaa laga soo saaray qodobo dhowr ah kuwaas oo saldhig u noqonaya sidii nabad loogu noolaan lahaadeegaannada lagu dagaalamary, qodobadii labada dhinac ay isku raaceen ayaa u qornaa sida tan:

1- Qofkii qof dila in la dilo

2- Haddii uu fakado danbiile waxaa laxirayaa Aabihiis, Hooyadiis, Adeeryaalkiis iyo walaalihiis waxaana la moora-duugi doonaa xoolahooda iyo xoolihiisa

3- Qofkii u kaalmeeya danbiile wuxuu mudan doonaa :-

  • Xabsi dheer
  • In laga qaado wixii ku baxay hawlgalkaas

4- Waxaa kamamnuuc ah deegaannadaan wax qori ah

5 – Qofkii lagu arko qori waxaa lagu amrayaa in uu dhigo qoriga, haddii uu ku dagaalamo waa lagu dili doonaa isla goobta wax diyo ah lagama bixin doono.

6- Qorigii gacanta ciidanka galaa celis malahan

7- Been iyo borobagaando ama isku dir qofkii lagu helo wuxuu muteesan doonaa:-

  • Xabsi
  • Ganaax

8- Tuug ama dhac wuxuu mutaysan doonaa:-

  • Waxaa laga magayaa xoolihii
  • Xabsi
  • Ganaax dhan xoolihii uu xaday qiimaheeda

Sidoo kale odayaasha labada beel ee heshiiskan gaaray ayaa isla go’aamiyay in dhulka u dhexeeya Degmooyinka Maxaas iyo Matabaan uu noqdo mid ka caagan hub aan aheyn kan ciidanka dowlada, hadii lagu arko aagaasi hub waxaa ciidamada amniga lagu go’aamiyay in ay la wareegaan hubkaasi oo cidii ku dagaalantana lagu dilo

Goobjoog News