U bood dhigaalka

Beelo Lagu Heshiisiinayo Deegaanka Rako Raaxo, Bari

Sheeko:Dalka

Deegaanka Rako Raaxo ee gobolka bari  waxaa ka soconaya qorshe lagu doonayo in xal looga gaaro colaad muddo sanado ah ka jirtay una dhaxeysa beelo halkaasi wada dega.

Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Salaax oo ah guddoomiyaha deegaanka Rako Raaxo ayaa Goobjoog News uga waramay sida ay u socoto nabadeynta labada beelood.

“Hadaan nahay maamulka degmada Rakko Kaaxo iyo odoyaasha iyo golaha deegaanka waxaan soo dhoweyneynaa waan waanta nabadeed, nabadda waan soo dhoweyneynaa “.

Deegaanka Rako Raaxo waa muddo labo sano ah ka taagnaa colaad u dhaxeysa beelo wada dega waxayna colaadooda salka ku haysaa aanooyin qabiil.

Odayaasha labada dhinac iyo waxgaradka dega halkaasi ayaa hadda wada nabadeyn iyo waan waan la dhex dhigo beelaha ay dirirtu u dhaxeyso si loo dhameeyo colaadda deegaanka Rako ee gobolka bari.

Goobjoog News