U bood dhigaalka

Beelo Lagu Heshiisiiyay Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Odayaal iyo wax-garad ka socda degaannada Huurshe iyo Xeraale oo muda Saddax Sano ah ay u dhexeysay colaad uu Dhiig badan ku daatay.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen xildhibaannada degaannadaas ku matela Dowladda dhexe, ayaa qeyb ka ahaa dhammeystirka dedaallo uu Ra’iisul Wasaaruhu soo billaabay dhammaadkii Bishii June ee Sannadkan mar uu socdaal ku tagey Huurshe iyo Xeraale.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa xilligaasi Labada dhinac kala hadlay soo Af-jaridda codaalla iyo furidda bog cusub oo ah mid nabadeed.

Odayaasha Labada dhinac ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay dedaalka hagar la’aaneed ee uu Galmudug ka wado, waxayna ballan qaadeen in ay ka shaqeynayaan nabadda, wada noolaanshaha, horumarinta degaanka iyo Bulsha ,si loo helo mustaqbal wanaagsan oo ka Madax bannaan colaado iyo rabshado dib u sii dhiga horumarka ay ummaadda Soomaaliyeed hiigsaneyso.

Ra’iisul Wasaare , Xasan Cali Khayre, ayaa Odayaasha Huurshe iyo Xeraale u ballan qaaday in Dowladda Soomaaliya ay ku Garab taagan tahay ka mira dhalinta dedaallada nabadda iyo horumarka, iyaguna laga doonayo in ay dowrkooda nabad-doonnimo qaataan oo ay daacad ka noqdaan dhismaha Mustaqbalka Dadka iyo degaanka, wixii horay u dhacayna laga barto casharro qeyb ka qaadanaya wadajirka iyo is-dhex galka Bulshada.