U bood dhigaalka

Beeralayda SHabeellaha hoose oo ka cabanaya isbaarooyin xad dhaaf ah

Sheeko:War

Meelo badan oo ka mid ah gobolka SHabeelaha hoose waxaa ka taagan caqabadaha la xiriira dhinaca isbaarooyinka taas oo saameyn weyn ku yeelatay hab sami u socodkii dadka iyo gaadiidka halkaasi isticmaala.

Wadooyin badan oo marin u ah deegaano ka tirsan gobolkaas waxaa la soo dhigay isbaarooyin darawaladu ay ku sheegeen bilqan oo gaadiidka iyo dadka saaranba lagu dhibaateeyo, waxaana kororka isbaarooyinkaa hada laga cabanayo ay sababeen in badi gaadiidkii halkaasi isticmaali jiray ay shaqo joojin sameeyaan kadib markii cid wax ka qabata ay waayeen.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayay sheegeen darawaladu in ay ka qeyb yihiin dadka dhiganaya jidgooyooyinka lacagaha sharci darada ah looga qaado gaadiidka,mararka qaarna xitaa aaney ku badbaadayn lacagaha baada ay ku sheegeen ee laga qaato.

Tan iyo markii ciidamada dowladdu ay isku fidiyeen meelo badan oo ka mid ah gobolka shabeelaha hoose ayay bateen isbaarooyinkaas iminka laga cabanayo oo xitaa maleeshiyo beeleedyo ayaa wadooyinka dhiganaya isbaarooyin sida darawaladu ay sheegayaan.

Marar badan darawalada ka shaqeeya gobolka shabeelaha hoose waxay meelo ka mid ah gobolkaas ka sameeyeen isu soo baxyo ballaaran oo ay ku muujinayeen tacadiyada iyo dhibaatooyinka lagu hayo ee caqabada ku ah shaqadooda, hayeeshee weli xaalku waa halkiisii marka laga tago hadallada lab salaaxa ah ee wax qabadku aanu la socon ee ka soo baxa saraakiisha ciidamada iyo madaxda dowladda ee ah ma ogolaan doono isbaarooyin iyo dhibaatada shacabka lagu hayo.

Dhinaca kale, beeraleyda gobolkaas gaar ahaan kuwa ku nool deegaano ay ka mid yihiin janbaluul ayaa iyana waxaa haysata cabasho la mid ah dhibka ay qabaan darawalada gaadiidka sida ay Goobjoog FM u sheegay qaar ka mid ah wax garadka deegaanka janbaluul.

Saraakiisha iyo madaxda maamulada deegaanadaas ee dowlada soomaaliya ayaa marar badan dhankooda qiray dhibaatooyinka isbaarooyinka leh ee darawalada iyo dadka gobolkaas ay hada ka cabanayaan.

W/D: Maxamed Salaad Cismaan (Dhega Cadde)