U bood dhigaalka

Beeraleyda Degmada Afgooye Oo Cabsho Ah

Sheeko:Dalka

Beeraleyda ku dhaqan degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa cabasho ka ah amni darri baahsan oo haysa, iyaga oo sheegay in dhibaato ay kala kulmaan rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda Federaalka ah.

Cabashada ugu badan waxaa qaba dadka ku dhaqan Deegaannada Sagaalaad iyo Gaal-wari ee ka mid ah deegaannada hoostaga degmada Afgooye, waxaana ay sheegeen dadkani in markii ay beeraha u socdaan ay dhibaaato kala kulmaan rag hubeysan kana dhacaya waxa ay wataan.

Dadkan qaarkood oo la hadlay Goobjoog news, kana gaaabsaday magacooda sababo amni ayaa sheegay in haweenka la kufsado, la dhaco lacagaha, taleefannada gacanka  iyo xitaa dharka ay qabaan, waa sida ay hadalka u dhigeene.

“Wax inoo wanaagsan maba aragno, beeraha lama aadi karo, dharkaa la iska dhiganaa, Moobillada, haweenka waa la kufsanaa, beeraha ma aadi karno, cabsi ayaa na dishay cid wax naga qabaneysana malahan” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah beeraleyda Afgooye.

Ugu dambeyn dadkan ka cabanaya amni darrada ayaa ugu baaqay maamulka degmada Afgooye iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida in ay degdeg wax uga qabtaan dhibaatooyinka amni ee dadkan ay la kulmaan.

Goobjoog News