U bood dhigaalka

Beeraleyda Gobolka Shabeelada Dhexe oo Codsatay Wax Ka Qabashada Ayax Ku Degan Qeybo Gobolka ah

Sheeko:Dalka

Wararka aan ka heleyno deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in Ayax fara badan oo kasoo gudbay dhanka gobolka Hiiraan uu kusii fidayo deegaanno horleh oo ka tirsan Shabeellada Dhexe.

Ayaxaan oo saddexdi maalmood ee lasoo dhaafay soo gaaray deegaanno hoostaga degmada Mahadaay yaa kusii fiday gobolka, wuxuuna soo gaaray illaa beeraha magaalada Jowhar oo caasimad u ah maamulka Hirshabeelle.

Sida beeraleyda gobolka ay xaqiijiyeen Ayaxa ayaa xaalufiyay dalagyada beeraha Xayooley, Mugdow,Kiliga Shiinaha,Maguurto iyo kuwa kale oo dhammaantood hoostaga degmada Mahadaay ee Shabeellada dhexe.

Sidoo kale Ayaxa ayaa soo gaaray beeraha magaalada Jowhar sida Xaanshooley iyo kuwa kale oo lagu beero qeybaha kala duwan ee qudaarta iyo dalagyada kale sida Bariiska oo dhowaan gobolka lagu beeray 20019-kii

Beeraleyda ayaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha FAO ugu baaqay in laga soo gaaro inta wax laga qaba karo Ayaxa oo xaalufin ku haya dalagyada.

Goobjoog News