U bood dhigaalka

Beesha Caalamka: Doorashada Nabad Halagu Dhameeyo

Sheeko:Amniga

Wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa war ka soo saaray xaaladda doorashada guddoonka golaha shacabka oo lagu wado in maanta ay ka dhacdo Muqdisho.

Saaxiibada ayaa ugu horeyn soo dhaweeyay doorashada guddoonka aqalka sare oo shalay ka qabsoontay Caasimadda, iyagoo ugu baaqay madaxda in ay si nabdoon ay ku soo dhameeyaan doorashada guddoonka golaha shacabka.

“Iyadoo ay doorashooyinka Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Baarlamaanka ay dhacayaan todobaadkan, ayaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay boorinayaan in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon. Waxaan soo dhoweynaynaa doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Beesha caalamka.

Saaxiibada Soomaaliya ayaa sidoo kale madaxda dalka ugu baaqay in ay isku tanaasulan wax walbana la xalliyo si ay u dhacaan doorashooyinka.

“Kadib dib-u-dhacii dheeraa ee uu lasoo kulmay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, waa in aan loo oggolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka. Waxaan ku boorineynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta. Arrinta ay Soomaaliya sida degdega ah diiradda u saarayso waa inay ahaato sidii si deggan oo lagu kalsoonaan karo loogusoo gabagabayn lahaa geeddi-socodka doorashada, si markaasi madaxda sida saxda ah loo soo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha hortabinta u leh qaranka,”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Beesha caalamka.

Doorashada guddomiyaha golaha shacabka iyo labadiisa ku-xigeen ayaa saacadaha soo socda la filayaa in ay ka dhacdo teendahda Afisyooni.

Goobjoog News