U bood dhigaalka

Beesha Caalamka Oo Bixisay Lacagta Doorashada, Dalbatana In La Qabto Doorasho Hufan Oo Waqtigeeda Ku Dhacda

Sheeko:Dalka, War

War saxaafadeed ay soo saartay beesha caalamka ayaa lagu sheegay in kooxdan ay taageerayaan doorashada ka dhaceysa Soomaaliya iyagoo dalbaday in in la hirgeliyo doorasho hufan oo ku dhacda waqtigii loogu talagalay.

Beesha caalamka waxaa soo qaateen war golaha ammaanka ee qaramada midoobey ka soo baxay August 19 oo sheegaya in dhammaan kooxaha ay ku dhaqmaan jadwalka cusub oo aaney dhicin wax dib u dhac ah.

Qaramada Midoobey, Mareykanka, midowga Afrika, midowga Yurub, IGAD, Ingiriiska, Sweden iyo Talyaaniga waxaa ay soo dhaweeyeen halka ay mareyso diyaar-garowga doorashada Soomaaliya ee 2016-ka, sidaa waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka.

Beesha caalamka waxaa kaloo ay sheegeysaa in ay kala shaqeyn doonaan dhammaan kooxaha  ay khuseyso doorashada sidii doorashada ugu dhici laheyd si ay ku jirto hufnaan iyo cadaalad.

Kooxaha daneeya Soomaaliya sida midowga yurub, Jarmalka, Talyaaniga, Norway, Sweden, Ingiriiska iyo Mareykanka waxaa ay bxiyeen 60% lacagta doorashada halka inta dhiman laga rabo in laga soo xareeyo diiwaangelinta murashaxiinta iyo hantida dowladda federaalka ah, si lacagtaas u noqoto lacagta doorashada ee sanadkan, waxaa sidaa lagu sheegay war saxaafadeedka,.

Beesha caalamka waxaa ay ku talineysaa in hadda wixii ka dambeeya aan lagu mashquulin lacag ee shirka madasha ee soo socda oo ka dhici doona Muqdisho xal laga gaaro dhammaan howlaha doorashada ka harsan.

Howsha waa mid bilaaban rabta, sidaa waxaa sheegay ergeyga UNka u qaabilsan Soomaaliya Micehael Keating.

isagoo intaa raaciyay”Waa xilli muhiim u ah Soomaalida, dhammaan shuruucda waa in ay wada ogolaadaan  madaxda madasha hoggaanka qaran oo hadafkana aan ka dhinac marin”

Goobjoog News