U bood dhigaalka

Beesha Caalamka oo Cadaadis Ku Bilowday Villa Somalia iyo Dowlad Goboleedyada

Sheeko:Amniga

Beesha caalamka, gaar ahaan dalalka iyo ururada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa muuqato in dulqaadkii ka dhammaaday iyaga oo saacadihii tagay qaaday tallaabooyin lagu cadaadinayo dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, loona soo celin lahaa, arrimaha amniga iyo doorashada 2020/2021 iyo taageerada ay tahay iney qaramada midoobey iyo guud ahaan beesha caalamka ka geysato arrinkan.

Dhanka kale, madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Bosaso wuxuu ku qaabilay Wafdi ka socda Maraykanka oo isugu jira Sairka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto iyo Saraakiil Ciidan.

Kulanka oo looga hadlay khilaafka dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedka, doorashada, amniga iyo arrimo kale ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qaaday tababar ay Puntland u rabto ciidamadeeda.

Goobjoog News