U bood dhigaalka

Beesha Caalamka Oo Cambareysay Kenya

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa cambaareyn kasoo wajahday Qaramada Midoobay iyo kooxaha u ololeeya xuquuqda aadanaha kadib ku dhawaaqisteedii xiritaanka xerada qaxootiga ee Dhadhaab bishii November xeradaas oo hoy u ah ku dhawad 400,000 oo qof waana xerada qaxooti ee ugu weyn caalamka.

Dadka badan ayaa ku dhaliilay Kenya kuna cambaareeyey inay dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah inay ku eedeysay falalka ay geysato xarakada Al-shabaab waxayna intaas ku dareen in arrintani ay tahay qalad weyn iyagoo sheegay in loogu hanjabayo in lagu celinayo meelo ka mid ah Soomaaliya kuwaas oo weli ay dhibaato ku hayaan Al-shabaab sida warbixinta lagu sheegay.

Kenya ayaa ku dhawaaqday xiritaanka xerada Dhadhaab sanadkii hore kadib weerarkii xarakada Al-shabaab ay ka geystay jaamacad ku taalla magaalada Garissa waxaana weerarkaas ku naf waayey 147 qof laakiin go’aankaas wax yar kadib waa ka laabatay dowladda Kenya afhayeen u hadlay ayaa dhankiisa sheegay in go’aanka hadda la qaatay ee lagu celinayo qaxootiga uu yahay mid kama dambeys ah.

Kadib weeraro badan oo ka dhacay dalka Kenya sanadadii la soo dhaafay waxaa jiray eedeymo badan oo loo soo jeedinayey qaxootiga laguna sheegay inay xiriir leeyihiin waxa dhacay iyo qaxootiga jooga Dhadhaab.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in celinta qaxootiga aysan dowladda Soomaaliya u arkin culeys, wuxuu yiri waxaan dooneynaa in qaxootigeena na loo soo celiyo laakiin waa in ay caddahay qaabka loo soo celinayo ma dooneyno in la iska soo tuuro iyagoo aan wax loo qabtay saysan jirin waxaan marar badan weydiisanay caalamka iyo dowladda Kenya hab qaxootigaan ay si tartiib ah ugu soo laaban karaan waxaana la soconaa in Kenya ay galeyso doorashooyin lagana yaabee inay tahay arrin siyaasadeed.

Ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegay in aysan dooneyn dowladda Soomaaliya in Kenya ay iska soo eriso qaxootiga marxaladda hadda lagu jiro sababtoo ah ayuu yiri waxay keeneysaa amni darro tii hore ka badan wuxuuna intaas raaciyey in qaxootiga la soo celinayo ay badankood yihiin dhallinyaro islamarkaana laga yaabo inay ku biiraan kooxaha islaamiyiinta ah oo ay kusoo kordhiyaan labada dal xasilooni darro.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay in mustaqbalka la xirayo Dhadhaab laakiin wuxuu sheegay inay adagtahay in sanadkan la xiro xerada wuxuuna intaas raaciyey in dowladda Soomaaliya ay weli isku dayeyso inay ka dhaadhiciso Kenya inay waqti ku darto xiliga la xirayo xerada Dhadhaab.

Labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhawaan kulan ka yeeshay xaaladda qaxootiga waxaana kasoo baxay isfaham lagu qaboojinayo xaaladda iyadoo sida la sheegay laga wadashaqeynayo sidii qaxootigaas loo celin lahaa waxaana la istusay in bulshada caalamka ay kaalin muuqata ka qaataan sidii qaxootigaa loogu soo celin lahaa dalkooda si iskood ah.

Qaxootiga Soomaaliyeed ayaa bilaabay inay ka soo cararaan dalkooda sanadkii 1991dii kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaana dadkaas ay ku nool yihiin xaalado nololeed oo aad u adag.

Goobjoog News