U bood dhigaalka

Beesha Caalamka oo ka Walaacsan Dib u dhaca Baarlamaanka Ee Ansixinta Hannaanka Doorashada 2016

Sheeko:Baarlamaanka

Bayaan sabtidii ay soo saareen UN, AMISOM, IGAD, UK, Ethiopia, US, Talyaaniga iyo Sweden ayay ku booriyeen baarlamaanka federaalka Soomaaliya inuu si degdeg ah u ansixiyo hanaanka doorasho ee 2016.

Baaqan ayaa imanaya xilli baarlamaanka uu saluugay qodobada qaar oo ay hogaamiyeyaashu ku heshiiyeen kaas oo 30 April loo gudbiyay guddoonka baarlamaanka.

Qodobada uu baarlamaanku saluugsan yahay waxaa ka mid ah in hogaamiyeyaasha dowladaha xubinta ka ah federaalka awood loo siiyay iney xubnaha aqalka sare ay soo xulaan, arrinkaas oo iyaga gacanta u galinaya aqalka sare ee baaralmaanka oo dalka awood badan ku leh.

Aqalka hoose ee baarlamaankana waxaa la siiyay saxiixa ugu dambeeya ee xubinta baarlamaanka noqoneysa, iyagoo xubnaha baarlamaanku arrinkaa u arkeen faragalin lagu sameynayo doorashada si toos ah iyo si dadban intaba.

Laakiin hadana bulshada caalamka ayaa cambaareysay waxay ku sheegeen taatikada baarlamaanka ay ku doonayaan inaan doorashadu wakhtigeeda ku dhicin, iyagoo sheegay go’aanadii ka soo baxay madashu ay ahaayeen kuwo loo dhan yahay.

” Waxaa lagu heshiiyay dhamaan arrimihii aasaasiga ahaa oo ay ku jireen in dumarka la siiyo 30% golayaasha baarlamaanka, waxaan baarlamaanka ugu baaqeynaa inuu dedejiyo iyo inuu mas’uuliyadiisa u guto wadada ugu habboon” ayaa bayaanka beesha caalamka lagu xusay.

Wakiilka guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating ayaa tilmaamay in siyaasadda Soomaaliya ay sugeyso inta uu baarlamaanku ka ansixinayo habka doorashada, waa in arrinkaasi si degdeg ah u hirgaliyaan, si ay u suuto gasho in si sharci ah loogu kala wareego awoodda xilliyada soo aaddan.

Keating waxa uu hadalkiisa sii raaciyay haddii baarlamaanku uu aqbali waayo hanaanka doorasho, waxay noqonaysaa tilmaan walwal leh dunida oo dhan iyo malayiin Soomaali ah kuwaas oo ku riyoonaya in la gaaro horumar iyo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020-ka.

Goobjoog News