U bood dhigaalka

Beesha Caalamka Oo Ka Walaacsan Dib U Dhaca Doorashada Somaliland

Sheeko:Dalka

Dalalka Denmark, midowga Yurub,  Finland, France, Germany, the Netherlands, Sweden, Ingiriiska  iyo Mareykanka ayaa niyad-jab ka muujiyay go’aanka guurtida ee ku aadan dib u dhaca doorashadooyinka Somaliland.

Beesha Caalamka waxaa ay sheegeysaa in guurtida ay doorashooyinka dib uga dhigeen xitaa waqtigii ay codsatay xukuumadda, doorashada madaxtinnimada oo waxaa la geli doonaa November 2017 halka baarlamaanka iyo dowladaha hoose la dooran doono 2019.

Beesha Caalamka waxaa ay la yaabeen in baarlamaanka Somaliland uu doorasho la’aan ahaa 14 sano, iyaga oo sheegay in arrimaas oo dhan ay daliil cad u yihiin in dalalka daneeya Somaliland ay dhaliilaan dimoqoraadiyadda ka jirta Somaliland iyo in maamulka halkaas ka jira aanu ku socon wadadii dimoqoraadiyadda.

Ugu dambeyntii, waxaa ay beesha caalamka kula taliyeen Guurtida Somaliland in ay qabtaan waqti macquul oo looga codeyn karo doorashooyinka madaxweynaha, baarlamaanka iyo dowladaha hoose.