U bood dhigaalka

Beesha Caalamka Oo Qaadacday  Doorashada Wasiir Nuux, Guddiga Doorashada Iyo Ugaas-ka Beeshiisa Ayaa Horay U Diiday

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden,  Ingiriiska iyo Mareykanka dhamaan waddamadaas iyo hey’adahaasi kala duwan waxaa ay diideen doorashada shalay la sheegay in Xildhibaannimo loogu doortay Wasiirka Dhalinyarada Maxamed Cabdulahi Xasan Nuux.

Beesha Caalamka waxaa ay sidoo kale la yaabeen sida uu u tartami karo shakhsi horay tartanka ay uga reebeen guddiga doorashada dadban, hey’addaas oo ah midda ay madasha qaranka u xil saartay in murashaxii xummaan lagu helo ay tartanka ka reebi karaan.

Mr. Keating, ergeyga xogheyaha guud ee qaramada midoobey ee Soomaaliya oo isna hadlay waxaa uu sheegayaa in haddii la ogolaado doorashada Jowhar ee shalay iyo qaar goobo kale ka dhacday ay ka dhigan tahay in meel looga dhacay sharciyadda doorashada taas oo khatar gelin doonta  hufnaanta doorashada 2016-ka.

Subaxnimadii Sabtida, waxaa ay dadka ku waaberiisteen warar ah in la qabtay doorashada aqalka hoose ee Hirshabeelle iyo  in muarshax Maxamed Cabdulahi Xasan Nuux uu helay 41 cod halka Hinda Cali Cumar oo la tartantay sida la sheegay ay heshay 11 cod.

Ugaas Cabdinasir Ugaas Nuure oo ah Ugaas beesha Jidle ayaa Goobjoog News u sheegay in Nuux uu sharciga, guddiyadda doorashada iyo beesha Jidle intaba uu xoogay, doorashadiisana ay tahay mid xaaraan ah.

Wasiirka Dhalinyarada Oo La hadlay Goobjoog News waxaa uu difaacay doorashadiisa,  Nuux waxaa uu ku dooday in maxkamad uun ay tartanka doorashada ka reebi karto.

Saacado yar kadib dhacdadaas, waxaa mar kale warqad soo saaray guddida doorashada dadban ee heer federaal iyagoo waxbo kama jiraan ka soo qaadeya doorashada wasiirka dhalinyarada Nuux loogu doortay Xildhibaannimo, guddiga waxaa ay ku celiyeen in Nuux aanu marnaban u tartami karin Xildhibaannimada kursiga beesha Jidle ee sanadkan 2016-ka.

 

Halkan ka akhriso warqadda guddida doorashada:

hg