U bood dhigaalka

Beesha Caalamka Oo Soo Dhoweysay Qodobadii Kasoo Baxay Shirka Golaha Amniga Qaranka

Sheeko:Dalka

Beesha caalamka ayaa sheegtay in go’aannadii ugu dambeeyay ee ay gaareen golaha amniga qaranka ay ahaayeen tallaabooyin wax ku ool u ah Soomaaliya.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Itoobiya, Talyaaniga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka  ayaa soo dhoweeyay go’aannadii Golaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya (NSC) uu ku qaatay kulankii 6-10 Febraayo 2018.

Golaha Amniga Qaranka (GAQ) wuxuu ka dooday arrimo xasaasi ah sida mas’uuliyadaha amniga, hanaanka doorashada, dib-u-eegista  dastuurka iyo qeybsiga kheyraadka iyo dakhliga, oo uu ku jiro kalluumeysiga.

Saaxiibbadu waxay tallaabooyinkaas u aqoonsanyihiin inay yihiin tallaabooyin sax ah oo muhiim ah waxayna ku boorrinayaan madaxda dalka inay guda galaan hirgelinta tallaabooyinkaas, si dadka Soomaaliyeed ay uga fa’iideystaan heshiisyadan.

Saaxiibbadu waxay sidoo kale soo dhoweeyeen go’aannada laga gaaray amniga waxayna isku raaceen in muhiimadda ugu weyn ay noqoto dadaallada lagu xisaabinayo tirada, lagu qiimeynayo oo dib loogu habaynayo ciidamada booliska ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyadoo lagu salaynayo hanaanka federaalka, sida lagu qeexay Qaabdhismeedka Amniga Qaran iyo Hanaanka Qaabdhismeedka Cusub ee Booliska.

Dhammaad

Goobjoog News