U bood dhigaalka

Beesha Caalamka oo taageertay dadaallada dowlad dhisidda ee ay wadaan madaxda Soomaalida

Sheeko:Dalka

Wakiilada beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay dadaalada dowlad dhisidda ee ka socdo Soomaaliya, kuwaas ee dib loogu taagayo qaranimada Soomaaliya.

“Saaxiibada Beesha Caalamka* Waxay soo dhoweynayaan dadaallada ay wadaan madaxda Soomaaliya si loo hormariyo arrimaha mudnaanta leh ee ku saabsan nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda, oo ay ku jiraan shirarka joogtada ah ee Golaha Wadatashiga Qaranka. Waxaan si gaar ah u soo dhoweynaynaa dadaalka soo cusboonaaday ee diiradda lagu saarayo geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, kheyraad wadaagga iyo awood-qeybsiga federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, kuwaas oo dhammaantood muhiim u ah xaqiijinta xasilloonida muddada fog ee Soomaaliya. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyeyaasha inay si wax ku ool ah uga qayb qaataan dadaalladan, oo wixii khilaaf ah ee jirana lagu xalliyo wadahadal iyo wadatashi,’ ayaa lagu yiri war ka soo baxay UNSOM.

Beesha caalamka ayaa sheegtay in ay taagereyso dadaalka Soomaaliya ay cagaheeda dib ugu istaageyso, ayna la garab taagan tahay wax walba.

“Waxaa naga go’an inaan Soomaaliya ka taageerno sidii ay ku gaari lahayd arrimaha hortabinta u leh dowlad dhisidda, oo aasaas u ah Soomaaliya loo dhan yahay, barwaaqo ah oo nabad ah,’ ayaa lagu yiri war ka soo baxay UNSOM.

Goobjoog News