U bood dhigaalka

Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Dhacdooyinka Koonfur Galbeed, Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dalalka iyo hey’adaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa  walaac ka muujisay arrimaha ka taagan koonfur galbeed ee Soomaaliya, iyaga oo ka tacsiyeeyey xildhibaankii ku dhintay Baydhabo, waxaa ay dhaleeceeyey fal kasta oo uga soo daraya arrimaha banii’aadnimada.

Sidoo kale waxaa ay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay in wadajir loo taageero habka lagu heshiiyay ee  doorashada, in la xushmeeyo habsami u socodka hannaanka doorashada iyo in wixii khilaaf ah lagu dhameeyo wada hadal si looga gudbo caqabadaha ku hor gudban horumar laga gaaro arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha.

War saxaafadeedka wadajirka ah ayaa waxaa soo saaray dalalka Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Kenya, the Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM iyo the United Nations.

Goobjoog News