U bood dhigaalka

Beesha Caalamka oo Walaac Ka Muujisay Go’aankii Madaxweyne Siilaanyo uu Dib Ugu Dhigay Doorashada Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Bayaan ka soo baxay beesha caalamka maalinimadii shalay ayaa lagu dhaliilay go’aankii madaxweyne Siilaanyo uu ka qaatay kala qaadista doorashooyinka Soomaaliland ee uu dib ugu dhigay muddo aan la cayimin doorashadii baarlamaanka ee maamulka.

Bayaankan ayaa lagu sheegay in ay si wada jir ah u soo saareen Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Sweden iyo Denmark oo ah dhamaan dhinacyada taageera doorashooyinka maamulka Somaliland.

Bayaankan ayaa lagu sheegay in beesha Caalamku si weyn uga walaacsan tahay go’aankii madaxweyne Siilaanyo uu dib ugu dhigay doorashooyinka baarlamaan ee qorsheysnaa bisha March 2017. Go’aankan ayaa lagu tilmaamay mid aan loo baahneyn oo hoos u dhigaya kalsoonidii shacabka iyo tan beesha caalamka labadaba, isagoo waxyeello u geysanaya dimuqraadiyadda Somaliland.

Bayaanka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dib u dhigista doorashooyinka baarlamaanku uu hareer marsan yahay sharciyadda iyo dastuurka maamulka,  iyadoo ay jirto waliba in guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland uu horey u sheegay in doorashooyinka baarlamaan iyo tan madaxtooyo ay isku mar dhacayaan oo aan la kala qaadi doonin.

Bayaankana ayaa beesha caalamku ku baaqeen in dib u heshiisii ay muhiim tahay iyo in saami-qeybisga kuraasta baarlamaanka la sameeyo iyadoo arrimahaasi ay ku suurtogalayaan wakhtiga u harsan doorashooyinka ee bisha March 2017.

Beesha caalamaka ayaa Somaliland ka taageertay doorasho isasaaran oo tan baarlamaanka iyo madaxtooyada ay hal mar wada dhacayaan, iyadoo laga cabsi qabo in beesha caalamku ay taageeri waayeen dib u dhac kasta oo ku yimaadda doorashooyinka baarlamaan ee maamulka.

Goobjoog News