U bood dhigaalka

Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Liiska Musharraxiinta Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

War-saxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay iney aad uga walaacsan yihiin in musharraxiinta aqalka sare ee baarlamaanka lagu soo daro xubno ay sheegeen in ay ka qeybqaateen dagaallo dalka ka dhacay.

War-saxaafadeedka ayaa sidan u qoran:

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Britain ama Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka waxay aad uga walaacsanyihiin in shaqsiyaad taariikhda ku leh colaado, falal dembi iyo argagixisnimo lagusoo daro  liisaska musharaxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee ay soo gudbiyeen qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada kamidka ah federaalka ee jira iyo kuwa samaysmaya, iyadoo laga yaabo in shakhsiyaadkaasi ay kamid noqdaan musharaxiinta Golaha Shacabka.

Magacaabista iyo doorashada dhici karta in la doorto shakhsi kasta ee ka mas’uul ahaa colaadihii sababay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya waxay ka dhigantahay tallaab dib u dhac ah xilli Soomaaliya ay u diyaar garoobeyso inay furto bog cusub. Tan waa inay xisaabta ku darsadaan dhamaan inta arrintu khusayso ee muhiimka ah maadaama ay socoto u codeynta musharaxiinta Aqalka Sare, iyadoo 14,025 ergo doorasho la isku keenayo dabayaaqada bishan si ay u doortaan xubnaha Golaha Shacabka.

Dadka Soomaaliyeed, iyo weliba saaxiibada Soomaaliya  ee caalamka waxay mudanyihiin inay kalsooni ku qabaan hay’adaha samaysmaya ee kasoo baxaya geedi-socodka doorasho ee hadda socda. Waa in dadaal kasta lagu bixiyaa sidi lagu xaqiijin lahaa in geedi-socodka ay kasoo baxdo magacaabis mas’uuliyiin sumcad leh oo loo magacaabo xafiisyada dowladda, kuwaas oo aan wiiqi doonin sharciyadda iyo kalsooni ku qabidda Dowladda iyo Baarlamaanka cusub.

Waxaa [hadda] socdo hawlihii diiwaan-gelinta musharaxiinta u tartamaya 275ka kuraas ee Golaha Shacabka, waana in ergada doorasho aanay dooranin shakhsiyaad taariikhda ay ugu qoranyihiin falal dembi iyo colaado si ay beelohooda iyo jufooyinkooda ugu metelaan aqalka hoose ee Baarlamaanka.

“Soomaaliya waxay dib usoo dhisanaysaa hay’adeheeda iyo sharciyaddeeda kadib 25 sano oo colaado hubaysan ahaa,” ayuu yiri Mudane Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya. “In la iska diido musharraxiin baarlamaan oo ku lug lahaa qaar kamid ah xadgudubyadii ugu xumaa ee xuquuqul insaanka ee ka dhacay dalka waxay sii adkeynaysaa sida ay Soomaaliya uga go’antahay soo afjaridda dhaqanka ku salaysan sharci ka sarraynta ama la-xisaabtan la’aanta iyadoo arrintan ay indhaha ku hayaan muwaadiniinteeda iyo dunida guud ahaan.”