U bood dhigaalka

Beesha Caalamka waxay soo dhoweneysaa Madxweynaha dhowaan loo doortay Maamulka Kumeelgaarka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Muqdisho, 19 November 2014 – Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU) iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa soo dhoweeyay dhismaha Maamulka Kumeelgaarka ee Koonfur Galbeed (MKKG) Soomaaliya iyo doorashadii ku xigtay ee Shariif Xasan Sheekh Aadan loogu doortay madaxweynaha cusub ee MKKG

“Waxaan soo dhoweyneynaa doorashada Madaxweynaha cusub Shariif Xasan Sheekh Aadan. Isla mar ahaantaas waxaan hoosta ka xarriiqeynaa muhiimadda ay leeyihiin wadahadalka iyo in arrinta laga wada qeyb qaato, waxaana ku boorrineynaa hogaamiyaha cusub in uu gaarsiiyo (maamulka) dhamaan qeybaha uu ka koobanyahay MKKG, si heshiis looga gaaro wax ka qabashada caqabadaha mustaqbalka. Dhismaha Maamulka Kumeelgaarka Koonfur Galbeed waxay wadada usii fureysaa in aan maskaxdeena u dhalaalinno  sidi aan adeeg u gaarsiin lahayn dadka iyo sidi aan u dhisi lahayn maamul shaqeeyo.

“Gebogabadii, waxaan codkeena ku biirinaynaa beesha caalamka anagoo ku boorrineyno Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Maamulka Cusub ee MKKG inay ka shaqeeyaan nabadda iyo dhismaha dalka. Waxaan mar kale ku celineynaa ballan-qaadkii beesha caalamka ee ahaa taageerada maamulada oo lagu taageeraayo xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo barwaaqo ka dhalata Soomaaliya”.