U bood dhigaalka

Beled Xaawo: Muxuu Ka Hadlay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland?

Sheeko:Amniga

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad gobaleedka Jubbaland oo maanta shir jaraaid ku qabtay degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo ayaa ka warbixiyay Xaaladaha ka taagan Gobolka.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku eedeeyey dowladda federaalka Soomaaliya cunaqabateyntii ay saartay Jubbaland in ay ugu dartay faragalinta ay ku heryso deegaannada kala duwan ee Jubbaland.

“ Isbitaaladii waa ay xiran yihiin, dadkii daawo maleh, hey’adihii caalamka ee dalkaan iyo dadkaan kaalmeynayey qalqal amni iyo mid maamul ayaa lagu sameeyey waana ka guureen, garoomadii waa laga xiray dhibaato Baniidamnimo ayaa ka dhalatay, waxaa la yaab ah diyaaro ciidamo Xamar looga soo raraayo ayadoo Jaziira iyo Tooratooroow iyo Xamar dhexdiisa u baahan yahay in amni laga dhigo” ayuu yiri.

Madaxweyne ku xigeenka oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay in dowladdu ay dooneyso deeganno 10 iyo dhowr sano ka hor dowladnimadu gaartay in ay qalqal iyo colaada ay ka huriso waxaana uu yiri.

“ 11 sano ka hor ,meeshii dowladda Soomaaliya ay xoreysay oo calankii qaranka uu ka tagan yahay, oo maamul uu ka jiro in ciidamo la dulkeeno oo qalka amni la galiyo waa maxay sababta soo ma ogid inaad Banii’am tihiin Illahey idiiin kula xisaabtamayo adoomihiisana ay kula xisaabtamayaan, waa wax la yaab ah in awoodii dowladda iyo astaankii qaranka dadka lagu baabi’inayo.”

Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadam ayaa baaq u diray labada gole ee baarlamaan federaalka ah ee Soomaaliya maadaama ayagu ay wakiil ka yihiin umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan ugu baaqayaa baarlamaanka labada gole oo u dhaartay in umaddaan in ay matalaan, inta fakarka fiican ku fakaraysa in ay ka hadlaan arrimaha Baniiadmnimada ee ka jira Gedo, dadka la dhibaateynayo amniga la qalqal gelinayo, iyo maamulada la burburinaayo in aysan ku eegan madaama la duminaayo dowladnimadii ” ayuu hadalkiisa ku yiri.

Ugu dambeyn Maxamuud Madaxweyne ku-xiigeenka Jubbalanad ayaa sheegay in wax nasiib darro ah ay tahay in maanta la arkaayo dhismihii dowladnimada Soomaaliya oo dhibka badan laga soo maray oo dib loo duminaayo iyo ciidamadii loogu talo galay in cadawga ay la dagaalamaan oo dhaxdoodii is dilayo.

“Waxa halkaan ka socda bal fiiriya qarankii oo is burburinaya ciidamadii Soomaaliyeed oo la tababaray lana qalabeeyey oo cadawga la dagaami lahaa oo qoorta la isku geliyey arka hey’adihii dowliga ahaa oo soo kobcayey oo la burburinaayo arka” ayuu ku soo gaban gabeeyey hadalkiisa.

Shirka Jaraa’id Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa waxaa uu imaanayaa ayadoo xaalado amni aan cago badan aan ku taagneyn ay ka jirto gobalka Gedo ayadoo saacad weliba la filan karo inuu dagaal ka dhex qarto ciidamada dowladda iyo dowladgobaleedka Jubbaland.

Goobjoog News