U bood dhigaalka

Beledxaawo: Col. Gaas oo Goobjoog Uga Waramay Xaaladda Dagaalka

Sheeko:Amniga

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaalkii saakay ka dhacay degmada Baled Xaawo ee gobalka Gedo, kaasi oo ay ku dagaalameen ciidamo dowladda federaalka ay dhowaan geysay gobalka Gedo iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland.

Col. Cabdirashiid Macalin Gaas oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka warbixiyey xaalada guud ee degmada iyo khasaarihii ka dhashay dagaalkii dhacay, isaga oo sheegay in xaaladu degan tahay waxaana uu intaas ku daray in uu jiro khasaare oo gaaray labada dhinac.

Goobjoog News