U bood dhigaalka

Beyle Oo Golaha Shacabka Hor-dhigay Miisaaniyadda 2019, Akhriso Faah-faahinteeda

Sheeko:Dalka

Golaha shacabka oo kulankooda maanta ay soo xaadireen ilaa 155 xildhibaan ayuu wasiirka maaliyadda ee JFS Cabdiraxmaan Beyle hor-dhigay miisaaniyadda 2019-ka.

Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa ugu horeyntii waxaa uu xildhibaannada golaha shacabka u sharaxay miisaaniyadda 2019-ka, isaga sheegay  inay noqon-doono $340 Milyan halkii sanadkii hore ka aheyd $274.6.

Miisaaniyadda waa mid isku jaan go’an, waxa na soo gala waxaa ay u qeybsamaan 3 qeybood: Waxaa weeye Canshuuro iyo dakhli kale oo waddankeenna gudahiisa aan ka soo uruurinno,…qeybta xigta waa kabidda oo caawimaad dunida iyo qeybta 3aad oo ah mashaariicda ay hey’adaha caalamiga nagu caawiyaan, marka laga reebo mashaariicda waa wax Xamar laga soo uruuriyey, miisaaniyadda kuma jiraan kuwa dowlad goboleedyada”. Waxaa sheegay Beyle.

Mr. Beyle waxaa uu difaacay qoondada ku korortay caafimaadka iyo waxbarashada, oo tan hore ay ku korartay 6 Milyan halka waxbarashada oo lagu kordhiyey 4 Milyan oo iskuullo iyo Macalimiin ku bixi-doonta.

Xildhibaan C/rashiid Xidig oo ka mid ahaa xildhibannadii hadlay waxuu soo-jeediyey in la hubiyo mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha kale ee dowladda “2019-ka, miisaaniyaddan Xogta aan heyno, waxaa naloo sheegay ayna ku jirin sidii sanadkii hore oo kale, wax shaqaale cusub ah oo la qorayo”.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) oo shir guddoominayey ayaa sheegay in guddiga maaliyadda iyo miiisaaniyadda ee Golaha Shacabka laga doonayo in ay ka soo shaqeeyaan miisaaniyaddan ka dibna aqrinta labaad ay soo diyaariyaan.

” Arrintaan waxaa ka soo shaqeynaya guddiga inoogu xil saaran arrimaha maaliyadda iyo miisaaniyadda oo aan ka sugeyno iney noo keenaan xisaab xirka 2017 iyo meelaha dhaliilaha laga jeediyay ka dib ayaa xildhibaan walbo fursad loo siinaya inuu ka doodo maadaama maanta aqrin koowaad ay tahay”. ayuu yiri guddoomiye Muudeey.

Dhanka kale,  xildhibaanada golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda dadka naafada ah oo maray aqrinta saddexaad.

Haddaba, Goobjoog News, Waxaa Horay Ugu Soo Gudbisay Akhristayaasheeda Faah-faahinta Miisaaniyadda

Goobjoog News