U bood dhigaalka

Beyle oo Kismaayo Tagay

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda maaliyada DFS Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa maanta gaaray dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Jubbaland Cabdirashiid Jire Qalinle iyo xubno kale oo gollaha wasiiradda Jubbaland ka tirsan ayaa si diiran garoonka diyaaradaha Kismaayo wafdigan ugu soo dhaweeyay.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda Soomaaliya kaas oo ay dhammaan goob joog yihiin wasaaradaha maaliyada Dowlad Goboleedyada dalka iyo wasaaradda maaliyada DFS.

Waxaa xusid mudan in dowladda federaalka aaney aqoonsaneyn Axmed Madoobe laakin ay la dhaqanto xukuumadiisa.

Image may contain: 2 people, people standing, suit, sky and outdoor

Image may contain: 1 person, sitting, living room and indoor

Goobjoog News