U bood dhigaalka

BF: Xildhibaannada Kasoo Jeeda Koonfur Galbeed Oo Ku Baaqay In La Soo-daayo Roobow

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka soo-jeeda koonfur galbeed Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho iyaga oo cambaareeyey faraggelinta dowladda ee maamulkaasi, waxaa sidoo kale ay dalbadeen in la soo daayo Mukhtaar Roobow, loona ogolaado inuu ka qeyb galo doorashada 19-ka bishan.

Qoraal Kasoo baxay, oo la soo gaarsiiyey Goobjoog News waxaa uu u qornaa:

In la ilaaliyo sareenta Sharciga iyo ku dhaqankiisa isla markaana loo hogaansano lana aqbalo dalabkii gudoomiyaha Golaha Shacabka, Golaha odayaasha Dhaqanka KGS, Xubno Aqalka sare ee ka soo jeeda Koofurgalbeed si loo ilaaliyo Maslada caamka ah Danaha Qaranka Midnimada isku uur fayoobnaanta Shacabka Soomaaliyeed  islamarkaana loo helo Jawi dagan oo saamixi kara Doorasho xor iyo xalaal ah.

In laga wada shaqeeyo sidii loogu suura galinlahaa Heshiis siyaasadeed oo Dhameestiran oo keeni kara xal ka gaarida Doorasho ay kawada qeebgalaan Dhamaan Musharaxiinta Shahaadooyinka qaatay.

In ladaayo dadka sida sharcidarada ah loogu xiray iyagoo gudanaya Xuquuqdooda Dastuiriga ee u fasaxaayo Dastuurka JFS.

Waxaan ugu baaqeynaa Shacabka Koofurgalbeed in ay ka shaqeeyaan Nabadda iyo Xasiloonida iyaga oo ku dhaqmaya  Qod 20 ee  Dastuurka JFS  oo u fasaxaya in ay ka qeebqaadan karaan abaabulan karaan Banaanbaxyo Nabadeed oo ay ku cabirayaan dareenkooda ayagoo aan cidna uga baahneen ogolaanshiyo ka helaan . Shacabka waxa aan xusuusinaynaa Xikmada tiraah Libaax  Nin galay iyo Nin galaday labadaba Og    maalinbaa soo socota insha allah aad qalinkiina ku cadaysaan oo aad sicad codkiina ugu garab istaagtaan cidaad cidii adinka idinka mutaysata

Waxaan Madaxda Dowladda Federaalka ugu  baaqaynaa in ay joojiyaan cadaadiska iyo caga jugleenta ay ku hayaan Guddiga Doorashada Madaxda ku meelgaarka ah  ee Maamulka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koofurgalbeed taas oo xadgudub ku ah xoriyadooda Dastuuriga ah

Ugu danbeen Xildhibaanadu waa ay si mug iyo miisaan leh ugu mahad celinayaan qofkasta oo Soomaliyeed  oo damiirkiisu ka xumaaday kana damqaday tacadiyada lagula kacay bulshadareer Koofurgalbeed waa  idin ogyihiin abaalkiina waxaana sidoo kale umahad celinaynaa Hay’adaha xuquuqul insaanka iyo guud ahaanba xubnaha beesha caalamku jawaabtii ay ka bixiyeen dhacdooyinkii foosha xumaa ee lagula kacay bulshada KG

Goobjoog News