U bood dhigaalka

Biixi: Waan Joojinnay Wadahadalladii Aanu La Lahayn Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay iney joojiyeen wadahadalladii kala dhaxeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo lagu ballansanaa iney dib uga bilowdaan dalka Jabuuti.

Biixi ayaa tilmaamay in sababta ay u joojiyeen wadahadalladan ay tahay dowladda federaalka oo weerar ku qaadday Somaliland, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya oo qorsheysnaa iney bilowdaan 29-ka March waanu joojinnay sababtoo ah xukuumadda Muqdisho ayaaa weerar qaawan kusoo qaaday dalkeenna, nimanka Muqdisho jooga ee weerarka nagu soo qaaday sharciyan caalamka ayaa og inaanu shaqo ku lahayn wixii ay dhisteen…Somaliland marnaba wixii ay dhisanayeen illaa 1991 shaqo kuma lahayn, hadane waa arrin la garan la yahay waxa ay berbera uga taliyaan” ayuu yiri Muuse Biixi.

Dhanka kale, Muuse Biixi ayaa tilmaamay in beesha caalamka ay u sheegayaan in dhankooda aanu ka burburin wadahadallada, balse uu dhibka ka yimid dhanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Wixii ka dambeeyay muranka shirkadda DP World, Somaliland ayaa ku celcelisay iney hakisay wadahadalladii ay kula jirtay dowladda dhexe ee dalka.

Goobjoog News