U bood dhigaalka

Bil Kadib Markii La Furey Shirkii Cadaado, Halkee Wax Marayaan ?

Cadaado okMaanta oo ay taariikhda ku beegantahay 16-ka May , 2015-ka, qudha muddo hal bil ah ayaa laga joogaa markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu furey shirka maamul u sameynta gobolada dhexe, waxaana la’isweeydiin karaa illaa hadda waxa qabsoomey shirka.
Guddoomiyaha guddiga farsamada shirka Xaliimo Yareey ayaa maalintii uu shirka bilaabanayay sheegtey in shirka loogu talogalay in uu socdo muddo 45 cisho ah, mudadaasi waxaa ka haray 15 maalmood oo kaliya, mise jirto wax talaabo la taaban karo oo horumar ah oo uu shirka sameeyey oo aanan ka ahayn in la furey.
Shirka waxa uu marayaa illaa afar waji oo kala ah kuwa soo socda
Wajiga Koowaad : Xareynta 40 odayaasha dhaqanka oo ka kala socda 11 beelood oo dega gobolada Mudug iyo Galguduud, hawshooduna waxa ay noqon doontaa soo xulista ergada shirka.
Wajiga Labaad : Xareynta ergada ay soo xuleen odayaasha oo dhan 350 xubnood, kuwaasi oo hawshoodu noqon doonto ansixinta dastuurka, calanka iyo waliba magaca maamulka,
Wajiga Sedexaad : Waa xulista baarlamaanka oo isaguna dooran doona madaxweynaha, haddii aysan waxbo iska badalin sida uu hadda yahay qorshaha guddiga farsamada.
Wajiga Afaraad : Ahna kan ugu dambeeya ee shirka ayaa ah doorashada madaxweynaha
Hadaba intaasi oo waji kii ugu horeeyey xitaa lagama gudbin, kadib markii la’isku qabtay kuwa ay noqonayaan odayaasha dhaqanka ee la xareynayo.
Qaar ka mid ah saxiixayaasha iyo beelaha ayaa wasaaradda arrimaha gudaha ku eedeeyey in ay iyadu keensatay odayaal jeebkeeda ah oo aanan ahayn kuwii sida dhabta u matalayay beelaha degen gobolka, si bey yiraahdeen garab loo siiyo mid ka mid ah musharixiinta oo la aaminsanyahay in ay dowladda taageereyso.
Saxiixayaasha iyo odayaasha beelaha qaar oo uu hoggaaminayo Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa sheegey in ay kalsoonida kala noqdeen guddiga farsamada, iyaga oo sameystey guddi kale oo farsamo, kaasi oo hadda wada hawlo barbar socda kuwa shirka.
Waxa ay guddigani dambe xareeyeen odayaal, waxana ay shaaciyeen jadwalka shirka oo uu ay ka midtahay xiliga la dooranayo madaxweynaha.
Dhanka dowladda , wasaaradda arrimaha gudaha ayaa Muqdisho ugu yeertey qaar ka mid ah saxiixayaasha oo uu ka midyahay madaxweynaha Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Baarleex , waxayna isku dayaysay in ay ka qanciso waxyaabaha madmadoowga ah ee shirka soo galay.
Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odawaa ayaa haatan ku sugan magaalada Cadaado, waxana uu kulamo la leeyahay saxiixayaasha, musharixiinta, iyo odayaasha, wuxuuna sheegey in dowladda ay wadahadal ka galeyso waxyaabaha la’isku hayo. Laakiin wali ma jiraan wax la taaban karo oo shirarkaasi kasoo baxay.
Marka laga qiyaas qaato sida ay hadda wax u jiitamayaan, iyo hawlaha dhiman sida ay u badanyihiin, waxaa la odorosi karaa in illaa 3 bilood uu shirka qaadan karo, balse dadka shirka danaynaya waxa ay kuu sheegayaan in mudadaasi dheer aysan dhib lahayn mar haddiiba kama dambeysta ay soo baxayso natiijo wanaagsan oo ah maamul la’isku raacsanyahay.
Waxaa arrintaasi sii xoojinaya dadka gobolada dhexe oo markani diyaar u ah in ay maamul dhistaan, nabadna helaan, iyaga oo horey oga soo daalay colaad sokeeye iyo dhibaatooyin noocyo kala duwan ah.
Markii Goobjoog ay ku safartay qaar ka mid tuulooyinka iyo degmooyinka gobolka waxa ay dadka sheegeen in ay taageersanyihiin shirka, wax alaale wixii kasoo baxanaya ay aqbalayaan. Waxa ay intaasi ku dareen in ay rajo weyn ka qabaan in ay wax wanaagsan kasoo baxaan shirka.
Laakiin dowladda federaalka ayay tahay in ay xal ka gaarto caqabadaha hadda shirka hortaagan, shirkana noqdo mid horumar sameeya.
Goobjoog News