U bood dhigaalka

Bin Salman oo Wacad Ku Maray Inuu Meesha Ka Saari doono Fikirka Ikhwaanka Ee Weli Kusii Harsan Iskuulaadka

Sheeko:Dalka

Dhaxal-sugaha 1-aad ee Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wacad ku maray inuu gabi ahaanba meesha ka saari doono fikirka “Ikhwaanka” ee weli kasii jira gudaha Iskuulaadka Sucuudiga.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay barnaamijka 60-daqiiqo ee telefishinka CBC News ee dalka Mareykanka ayaa waxa uu yiri: “Iskuulaadka Sucuudiga waxay duulaan kala kulmeen kooxda Ikhwaan Muslimiinka, qaarkoodna weli way kusii harsan yihiin, laakiin sida ugu dhakhsiyaha badan gabi ahaanba meesha waa laga saarayaa.”

Su’aal uu weriyuhu waydiiyay oo ku saabsaneyd xagjirka dhanka Iskuulaadka ayuu uga jawaabay:

“Dabcan, waan dooneynaa inaan meesha ka saarno xagjirka, ma jirto dowlad adduunka ka tirsan oo aqbaleysa in nidaamkeeda waxbarashada ay soo weeraraan kooxo xagjir ah.”

Waxa uu carrabka ku adkeeyay iney kaalin ka qaadan doonaan, dadaallada ay adduunyadu waddo ee la-dagaalanka xagjirnimada ku saabsan,  “Wixii ka dambeeyay sanadkii 1979, waxaan ku dhibatoonnay, gaar ahaan jiilkeenna hadda cusub.”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

wareysigan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee dhaxal-sugu siiyo Telefishin dalka Mareykanka laga leeyahay, ayaa waxa uu xusay in waxa celin karaa un ay geeri tahay, horeyna uu ugu sii socon doono siyaasadaha hagaajinta ah ee uu ka wado gudaha Sucuudiga.

Goobjoog News