U bood dhigaalka

Biriq Afar Qof Ku Dishay Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Inta la xaqiijiyey Seddax Caruur ah iyo aabahood ayaa dhintay hooyadii dhashay caruurtaasina dhaawac ayaa soo gaaray kadib biriq ka dhalatay roobab mahiigaan ah oo xalay saqdii dhexe ka billowday deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.

Arrintan ayaa ka dhacday deegaanka Saxanley iyadoo roobka halkaasi ka da’ay uu ahaa mid aad u xoogganaa.

Muxudiin Cabdisalaan oo ka mid ah waxgaradka deegaanka ayaa Goobjoog News waxa uu uga warammay sida ay wax u dhaceen, isaga oo sheegay in ay ka war heleen oo kaliya biriq soo dhacday oo dadkan ay ku dhinteen sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan xoolo halkaasi ku baaba’ay.

“Roob xooggan ayaa xalay saqdii dhexe ka billowday Mudug, waxay geysteen khasaare naf iyo maal leh, Shan qof ayaa waxyeello ay kasoo gaartay, Seddax caruur ah iyo aabahood waa ay dhinteen, hooyadiina wey dhaawacantay kadib markii ay Biriq kusoo dhacday, waxaa jira xoolo halkaasi ku dhammaaday” ayuu yiri Muxudiin.

Mararka qaar marka la gaaro xilli roobaadka waxaa sidan oo kale usoo dhaca biriq iyadoo dhowr jeer gobollo dhowr ah ugu soo dhacday una laysey xoolo badan.

Goobjoog News