U bood dhigaalka

Biyo Badan Oo Ku Rogmaday Xaafadaha Degmada Mahadaay Ee Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Mahadaay ee gobalka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in biyo aad u badan ay buux dhaafiyeen dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmadaasi.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Mahaday Saalax Aadan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay roobab badan ka da’een halkaasi, taasi oo sababtay in biyo badan ay degmada kusoo rogmadaan.

Waxa uu dalbaday in gargaar degdeg ah lala soo gaaro dadkaasi, isaga oo sheegay in xitaa aysan suurta gal ahayn in gaadiid gurmad loogu keeno gargaarka.

Diyaaradaha Helicopter-ka ah ayuu sheegay in ay yihiin kuwa kaliya ee dadkani raashiinka loogu soo daadin karo, isaga oo sidoo kale sheegay in dadka ay halis ugu jiraan dhimasho.

“Dhibaato ayaa jirta, xaafadaha degmada Mahaday dhammaan biyo ayaa buuxiyay, gaadiid masoo geli karo, dadka wey dhex jiifaan, waxaan leeyahay umadaan diyaaradaha qumaatiga u kaca raashiin haloogu soo firdhiyo, gaadiid masoo geli karo, gudoomiyahii degmada sida uu u qeylo qaadaayay ayuu jooga ka dhacay, walaalayaalow soo gaara dadkaan, jaamacadda carabta, Qaramada Midoobay, dowladda Soomaaliya cid walba hana soo gaara, dadkaan wey dhamaanayaan” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Degmada Mahadaay ee gobalka Shabellaha dhexe ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee uu ku fatahay Wabiga Shabelle, mana jirto wax gurmad ah oo illaa iyo iminka dadkaasi lala gaaray.

Goobjoog News