U bood dhigaalka

Biyo Dhaamin Laga Sameeyey Deegaanno Abaartu Ku Dhufatay, Gobolka Sanaag

Sheeko:Dalka

Guddiga abaaraha gobolka Sanaag ayaa gurmar biyo dhaamin ah u sameeyey qoysas badan oo ku dhaqnaa deegaanka Booda Cadde oo kamid ah deegaanada abaartu ay ka jirto.

Sheekh Saciid Axmed Cadar oo kamid ah mas’uuliyiinta guddigaasi ayaa u sheegay warbaahinta in biyo dhaamintan ay gacan ka geysteen dad qurbe joog ah.

Biyahan oo dhowr booyadood ah ayaa waxaa ka faa’ideystay dhammaan dadkii loo geeyey, iyadoo ay jireen sidoo kale xoolo ku dhowaan iney u dhammaadaan harraad dartiis.

“Deegaankaan waxaa ka jira abaar baahsan, harraadka ayaaba dadka ugu daran, waxaan maanta dadka soo gaarsiiney biyo, waxay dadkan ku dhaqan deegaanka Booda Cad ee Sanaag ku dhowaayeen in harraad ay u dhintaan iyaga iyo xoolahooda” ayuu yiri Sheekh Saciid.

Deegaanno badan oo kamid ah gobollada dalka waxaa ka jira abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada, waxaana dadku u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News