U bood dhigaalka

Biyo Go’doomiyey Xaafad Ka Tirsan Degmada Wadajir Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Kadib roobab ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa xilligaan waxaa lasoo sheegayaa in qoysas badan oo Soomaaliyeed xilligaan ku go’doonsan yihiin guryahooda kadib biyo badan oo dadkaasi ku rogmaday guryahooda.

Biyaha ayaa ka rogmaday qaarkood laamiga danwadaagta oo dhawaan la dhisay, sidoo kale waxaa jira biyo iyaguna kasoo rogmaday xaafado kale oo degmada Wadajir ah.

Maxamuud Cismaan Jaamac oo ka mid ah dadka ku dhaqan xaafaddan biyaha ku rogmadeen ayaa Goobjoog News u sheegay in biyaha ay qiyaas ahaan ku dhaw yihiin Labo Mitir, guryo badanna ay dumeen.

Intii dadka u suurta gashay ayuu sheegay inay barakaceen halka kuwo kalena ay weli dadka qaar la yihiin si ay u baxaan.

“Guryaha lagama soo bixi karo, qofka fudud bes baa guryaha ka bixi kara, biyaha waxay burburiyeen guryo badan, waana arrin u baahan gurmad qaran” ayuu yiri Maxamuud Cismaan.

Sidoo kale Maxamuud ayaa ugu baaqay maamulka degmada Wadajir in degdeg ay ku sameeyaan gurmad u badan booyado lagu bixiyo biyahan.

Goobjoog News