U bood dhigaalka

Biyo La’aan Iyo Caafimaad Darro Ka Jirta Degmada Aadan Yabaal Ee Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabellaha Dhexe Maxamuud Sheekh Xasan ayaa isaga oo u waramayey Goobjoog News waxa uu sheegay in xaalado bini’aadannimo oo aad u liita ay ka jirto degmadaasi iyo deegaannada hoostaga.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in adeegyada caafimaadka iyo helidda biyo nadiif ah ay dhib badan kala kulmayaan dadka shacabka ah, waxaana taasi uu u sababeeyay degmadaasi oo Al-shabaab ay kala wareegeen wax ka yar Labo Bil.

“Biyo la’aan ayaa jirta, ceelashii Al-shabaab ayaa Bambooyinkii biyaha soo saarayey kala baxay matooradiina waa ay gubeen, marka dhibaatooyin badan oo dhanka Bini’aadannimada ah ayaa ka jirta degmada Aadan Yabaal iyo deegaannada na hoos yimaada, caafimaadka sidoo kale dadka aad bay uga liitaan, xarumo caafimaadna kama jirto degmada”

Guddoomiyaha Aadan Yabaal ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah lala soo gaaro dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmadaasi.

Degmada Aadan yabaal ayaa marar badan waxaa isku gacan dhaafay dowladda Federaalka oo kaashaneysa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah.

Goobjoog News