U bood dhigaalka

Biyo La’aan Ka Jirta Deegaannada Baadiyaha Ah Ee Galmudug

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug State ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka taagan tahay deegaanno badan oo maamulkaasi ka arrimiyo, iyadoo deegaannaduna u kala daran yihiin xaaladaha ka jira.

Wasiirka gargaarka Bini’aadannimada iyo daryeelka Naafada ee Galmudug Shire Xirsi Maxamuud oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in deegaannada bariga Mudug ee Baadiyaha ah ay kasoo gaarayso cabsho xooggan oo dhanka biyaha iyo baadka intaba.

Wuxuu tilmaamay wasiirku in ay la socdaan deegaanno kale oo iyaguna baahiyo badan ay ka jirto ka maamul ahaanna ay wadaan dadaallo farabadan.

Dhinaca kale waxa uu sheegay wasiir Xirsi in hay’adaha samafalka ah ee ku sugan deegaannada Galmudug ay kala shireen sidii shacabka ay wax ugu qaban lahaayeen, islamarkaana uu imaan doono is xisaabin.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dhawaan ku dhawaaqay in deegaanno ka mid ah Galmudug ay ka jirto abaar, waxaana uu baaq gurmad ah u diray dowladda Federaalka, hay’adaha samafalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Goobjoog News