U bood dhigaalka

Biyo La’aan Ka Jirta Deegaanno Ka Mid Ah Somaliland

Sheeko:Dalka

Deegaanno ka mid ah Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in xilligaan ay ka taagan tahay xaalad adag oo dhanka Nolosha ah, iyadoo biyo yari lasoo sheegayo.

Deegaanka Gabilley iyo deegaanno kale oo uu ka arrimiyo maamulka Somaliland ayaa la sheegay in haatan dadku aanay haysan biyo ku filan kadib taasina ay u dheertay raashiin la’aan.

Mustaf Shiine oo ah gudoomiyaha Gabilley ayaa sheegay in shacabka ay yihiin kuwo halis ugu jira inay u dhamaadaan haraad, islamarkaana marxaladda halkaasi ka jirta waxa uu ku sifeeyay inay tahay Abaar.

Waxa uu tilmaamay in ka maamul ahaan ay dadaal badan ku bixiyeen sidii ay dadkani wax ugu qaban lahaayeen, hase ahaatee ay ka xoog badnaatay xaaladda meesha ka jirta.

Ugu dambeyn gudoomiye Shiine ayaa ugu baaqay madaxda maamulka Somaliland iyo hay’adaha samafalka ah in gurmad degdeg ah lasoo gaaraan dadkaasi kahor inta aanay kasii darin xaaladooda.

Goobjoog News