U bood dhigaalka

Biyo La’aan Ka Jirta Deegaanno Ka Tirsan Galgaduud

Sheeko:Dalka

Deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa lasoo sheegayaa iney ka taagan tahay biyo la’aaan baahsan  oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Tuulooyin dhowr ah oo hoostaga deegaanka Baxdo ayaa lasoo sheegayaa in dadka ku nool aysan haysan biyo iyo sidoo  kale raashiin, dadkuna u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

C/waaxid Sheekh Xasan oo kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa u sheegay Goobjoog News in dadkaasi biyaha looga qaado Baxdo, islamarkaana qiimo sare loogu geeyo.

Wuxuu tilmaamay C/waaxid in Fuustadii biyaha la iibinayo 150 kun oo shilin Soomaaali ah, islamarkaana dadka intiisa badan yihiin kuwo aan awoodin qarashkaasi.

“Tuulooyin ay kamid yihiin Cali Weyd iyo Qalaanqal waxaa ka jira biyo la’aan aad u baahsan, waxay dadka u baahan yihiin gurmad degdeg ah, Baxdo ayaa biyaha looga qaadaa, laakiinse qiimo sare ayaa lagu geeyaa tuulooyinkaasi, roob kama da’in, waxayna dadku rabaan gurmad degdeg ah” ayuu yiri C/waaxid.

Gobollo badan oo kamid ah dalka waxaa xilligaan ka jirta abaar, iyadoo sidan oo kale ay xaalad adag ugu sugan yihiin dad badan oo ku dhaqan deegaanno ka tirsan Puntland.

Goobjoog News