U bood dhigaalka

Biyo La’aan Ka Jirta Degmada Buuloburde Ee Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Dadka ku dhaqan degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa in ay hayso Biyo la’aan baahsan xilli degmada markii horeba ay ka xirnaayeen waddooyinkii galayey.

Nabadoon Cali Cumar oo ah afhayeenka Odayaasha dhaqanka ee degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in Wabiga uu biyo yareeyay, islamarkaana uu is bedalay dhadhanka iyo urka biyaha ku haray Wabiga.

Waxa uu tilmaamay in dadka ay ka baqeen hadii biyaha yar ee Wabiga ku haray hadii ay isticmaalaan ay la kulmaan dhibaatooyin caafimaad.

“Degmada biyo la’aan baahsan baa ka jirta Wabi iyo Ceel intaba, dadku ma haystaan meel ay biyo u aadaan, biyaha Wabiga hadda maba la haweysanayo, waxaa u sabab ah biyahii oo yaraaday iyo wasaqdii soo raacaysay ay midab badaleen biyahii” ayuu yiri nabadoonka.

Sidoo kale Nabadoon Cali Cumar ayaa sheegay in degmada Buuloburde uu ka dillaacay cudurka Shuban Biyoodka, iyadoona aanay jirin Isbitaallo sare oo dadka wax u qaban kara.

Ugu dambeyn ayuu ugu baaqay nabadoonka dowladda Federaalka Soomaaliya, hay’adaha samafalka ah iyo shacabka Soomaaliyeed in gurmad ay lasoo gaaraan shacabka degmada Buuloburde oo markoodii hore halkaasi go’doon ku ahaa.

Goobjoog News